ikon Daariz English

2.1.1 by Sahamiye Foundation


Dec 26, 2022

Tentang Daariz English

Indonesia

Barashadii Af-Ingiriisida oo la fududeeyey!

Qaybta barashada Af-Ingiriisida ee barnaamijka Daariz waxa loogu talogalay in aad ku barato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Ingiriisida. Af-Ingiriisida waad ka baran kartaa haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad hore wax uga taqaannay ba.

Ujeeddooyin badan ayaa loo bartaa afka Ingiriisida. Waxa ka mid ah in aad ku wanaagsanaato luuqadda kolka aad dugisga ku baranayso, iyo in aad ku kabto aqoonta shaqadaada ama aad shaqo cusub ku raadsato ba. Sidoo kale, waxa loo bartaa in aad kula sheekaysto dadyaw aad wax ka dheefayso, ama ugu yaraan in aad maskaxdaada cariso oo aad barto af cusub.

Barnaamijkan waxa soo diyaariyay dad luuqaddan iyo dhigisteeda ba aqoon u leh. Waxa ku jira barnaamijka Daariz ee Ingiriisida casharro, laylisyo iyo imtixaanno xiiso leh oo xidhmo-xidhmo ah. Maadaama oo barnaamijkani yahay mid aan u baahnayn khadka internetka, goob kasta iyo goor kasta wax waad ku baran kartaa.

La soo deg barnaamijka Daariz ee Ingiriisida:

● Si aad u koriso aqoontaada naxwaha, tirada ereyada aad taqaanno ama aad ugu tababaro ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Af-Ingiriisida.

● Si aad ugu guuleysato billado iyo geel kolkasta oo aad cutub dhammayso. Kula tartan saaxiibbadaa tirada geela ah ee aad hesho kolkasta oo aad mustawe ka gudubto.

Bilaw maanta oo go'aanso di aad barato ama kobciso aqoontaada Af-Ingiriisida. La soo deg barnaamijka Daariz ee barashada Ingiriisida.

Waxa aanu ku soo dari doonnaa barnaamijkan cutubyo cusub si aad mustawe hoose ilaa mid sare halkan wax uga barato. Arrinkani waxa uu kaa caawin doonaa in aad barato maaddooyinka kale ee ku qoran Af-Ingiriisida sida Xisaabta iyo Sayniska. Tani waxa ay qof kasta u saamixi doontaa in uu iskii u dedaalo oo wax u barto hadhaw na u fadhiisto imtixaanno lagu helayo shahaadooyin kala geddisan.

Apa yang baru dalam versi terbaru 2.1.1

Last updated on Dec 26, 2022

Waxa aanu hagaajinnay cillado farsamo oo mihim ahaa. Waa ku kaa! Si xiiso leh u baro Af-Ingiriisida!

Terjemahan Memuat...

Informasi APL tambahan

Versi Terbaru

Permintaan Daariz English Update 2.1.1

Diunggah oleh

Romy Caballero

Perlu Android versi

Android 5.0+

Available on

Mendapatkan Daariz English di Google Play

Tampilkan Selengkapnya

Daariz English Tangkapan layar

Komentar Loading...
Bahasa
Bahasa
Cari...
Berlangganan APKPure
Jadilah yang pertama mendapatkan akses ke rilis awal, berita, dan panduan dari game dan aplikasi Android terbaik.
Tidak, terima kasih
Mendaftar
Berlangganan dengan sukses!
Anda sekarang berlangganan APKPure.
Berlangganan APKPure
Jadilah yang pertama mendapatkan akses ke rilis awal, berita, dan panduan dari game dan aplikasi Android terbaik.
Tidak, terima kasih
Mendaftar
Kesuksesan!
Anda sekarang berlangganan buletin kami.